Sarkaal ka tirsan ciidamada sirdoonka ee NISA ayaa la sheegay in toogasho khaarijin ahayd lagu dilay.
Wararka ayaa sheegaya in koox Bistoolado ku hubeysan ay xalay degmada Afgooye ku dileen sarkaalkan ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda, iyadoo falkaas kadib ka baxsaday goobta dilka ka dhacay.
Dadka degaanka ayaa sheegya in ciidamada ammaanka ay Howlgal ka sameeyeen degmada Afgooye, waxaana lagu soo qabqabtay dhalinyarro looga shakiyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Afgooye ayaa ka mida meelaha ugu darran ee dilalka qorsheysan ay ka fuliyaan kooxda Alshabaab, iyadoo aan lagu guuleysan in laga hortago falalkaasi