Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabab gaar ahaan Golaha Sare ee Shuurada ayaa isu dhiibay dawladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Aadan Cabdi Maxamed (Aadan Coobbe) ayaa waxaaa la socday sarkaal kale oo isna ka tirsan ururka Al-Shabab oo magaciisa lagu sheegay Food Aadan Maxamuud, waxaana waanwaan ay u socotay saraakiisha Gobolka Gedo iyo dowladda Soomaaliya.
Aadan Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay ururka Al-Shabab, waxaana jagooyinkaas ka mid ahaa inuu xubin ka ahaa Golaha Shuurada, isagoo matala Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale Aadan Coobe uu hore usoo noqday Madaxa Saadka Al-Shabab ee Gobolka Jubbada Hoose.
Aadan Coobe ayaa la sheegay in isaga iyo ninka la socday ay baabuur Suzuki ah maanta kaga soo baxeen magaalada Buuaale, kadibna ay soo gaareen tuulada lagu magacaabo Tubaako oo Koonfur ka xigta magaalada Baardheere.
Diyaarad gaara ayaa soo qaaday iyadoo gelibkii danbe ee maanta ka dejisay magaalada Muqdishu, waxaana la wareegtay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.