XIldhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo oo ay wehliyaan tageerayaashooda ayaa dagaal kale ka qarxiyey baraha bulshada, kadib mrkii ay si weyn u weerarreeny sawir uu madaxweyne Famaajo la galay Korneyl hore uga tirsanaa dowladii Milatariga ee Soomaaliya.
Sawirka Madaxweyne Farmaajo iyo Col. Yuusuf Cabdi Cali (Korneyl Tuke) ayaa noqday mashruuc cusub oo si weyn loogu wareejinayo baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto oo muddooyinkii danbe isu bedelay goobo la isku dhaafsado weerarro iyo aflagaado shaqsiyadeed iyo kuwo beeleed oo salka ku heysa xaaladda siyaasadda dalka.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa hoggaanka u qabtay ololahan cusub oo madaxweynaha lagu eedeynayo inuu denbiile sawir la galay, iyadoo loo muujinayo inuu ku xumeynayo Somaliland.
Col. Tuke ayaa waxaa dacwad kusoo oogay qof Soomaali ah oo lagu magacaabo Farxaan Taani Warfa, kasoo ku soo eedeeyay inuu tacadi u geystay xilligii uu sarkaalka ka ahaa ciidamada Milateriga Soomaaliya, iyadoo maxkamadda ay Korneyl Yusuf Cabdi Cali ku Konrnayl lagu xukumay inuu bixiyo magdhaw gaaraya 500,000 Doollar.
Taageerayaasha Madaxweyne Farmajo ayaa dhinacooda weerar celin ay bilaabeen kusoo bandhigay sawirrada Muuse Suudi, Jen. Morgan iyo hoggaamiye kooxeedyo kale oo ay sheegeen inay kumaan qof laayeen iyadoo ay hadda yihiin siyaasiyiin, waxaana socda dagaalka labada dhinac ee baraha bulshada.
HOOS KA AKHRISO KIISKA KORNEYLKA