Sawirka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib loogu celiyey oo la suray Taallo ku taalla magaalada Muqdisho oo dad careysan ay dhowaan dhulka soo dhigeen kadibna dab qabadsiiyeen.
Taalladan yar oo ku taalla kala-wareegga degmada Shingaani ayaa Sabtidii waxaa ku qamaamay dhalinyarro bannaanbax dhigtay oo ka careysneyd dil degmada Boondheere loogu geystay laba qof oo shacab ah, markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Booliska.
Ciidamo iyo dhalinyaro wax socda ayaa dib habeyn ku sameeyay taalladii, waxaana sawirradii lagu soo celiyey ka mid ahaa sawirk Madaxweyne Famaajo oo hore loo gubay, arrintan oo dood weyn ka dhalisay Baraha bulshada.
Dad u badan aqoonyahanno ayaa arrintan ku tilmaamay dhaqan keli-talis iyo sawirrada madaxweynayaasha wadooyinka lagu xardho, halka qaar kale ay ku eedeeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa inuu sawirka kala weyn yahay nafta dadka shacabka ah ee la dilay.
Dib u soo celinta sawirka Madaxweyne Farmaajo ee taalladii dhowaan la burburiyey ayaa dad badan u soo qaateen inay calaamad u tahay qaabka uu u fekerayaan Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa jidbeysan oo hadda looga awood badiyey Baraha Bulshada.