Sawirro loo adeegsaday laacibka kubadda Cagta ee reer Argentina una ciyaara kooxda Barcelona Lionel Messi ayay baahisay koox raacsan Daacish oo ku baaqday in la weerarroKoobka aduunka ee 2018 ka dhici doona dalka Ruushka.
Sawiraddan oo uu ka dhex muuqday Messi oo xabsi ku jira, dhiigna uu ka socdo ayaa lagu qoray baaq weerarro argagixiso oo lagu sheegay inay cadaalad yihiin, waxaana baraha bulshada lagu shaaciyay sawirradaasi.
Guuldarrada weyn ee kooxda Daacish ka qabsatay dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa laga yaabaa inay u bedesho weerarro qarsoodi ah oo lagu qaado dalalkii iska kaashaday dagaalka weyn ee lagu qaaday, wuxuuna koobka adduunka ka mid noqday bar tilmaameedka taageerayaasha ISIS.