Boqortooyad Sacuudiga ayaa Diyaarad siday Deeq gargaar Dawo ah u soo dirtay magaalada Muqdisho.Diyaaradda oo kasoo degtay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Adan Cadde ayaa deeqdii ayaa waxaa la wareejiyay dowladda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale diyaaraddaasi las ocday qaar kamid ah dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo qabay kuwaasi oo muddo 6 bilood ah lagu daweynayay dalka Sucuudiga.
Maxamed Cabdalla Almaajid oo ka mid ahaa wafdigii ka socoday dalka Sucuudiga oo si gaar ah ula hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay deeqdaasi dawada ah.
“Anagoo tixraacayna amarkii uu bixiyaya Boqor Salmaan ee Sucuudiya iyo ku xigeenkiisa in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiyo gargaarka ay u baahan yihiin, waxaa maanta timid diyaarad sida gargaar dawo ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo shacabka Soomaaliyeed, berina waxaa imaan doonta ilaa 3 diyaaradood oo gargaar ah” ayuu yiri Xamada Cabdalla.
Wasiir kuxigeenka Wasaardda gargaarka Xukuumadda Soomaaliya ahna kusimaha Wasiirka Cilmi Cumar Ceynsanye ayaa uga mahadceliyay dowladda Sucuudiga sida ay u garab taagan tahay Soomaaliya. “Waxaan halkani ku soo dhaweynaynaa wafdi ka socda Boqor Salmaan alkhayriyah, Waxaan uga mahadcelinaynaa dowladda Sucuudiga, gargaarkan ay ina soo gaarsiisay..” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gargaarka.
SAWIRRO