Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ayaa howlgal ka bilaabay Gobolla Jubbada hoose iyadoo la sheegya inay qabsadeen dhowr tuulo oo duleedka Kismaayo ku yaalla.
Dagaalka oo shalay bilowday ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubba ay kula wareegeen deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin: Buulogadud, Wirkooy and Siinka Dheere oo ugu badnaan 50km u jira magaalada Kismaayo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in howlgalka sii socon doono ayna qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiyaanka ee AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.
SAWIRRO
Wadani.com