Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa sheegay inay qabteen gaari nooca raaxada ah NOAH oo laga soo buuxiyay
walxaha Qarxa, iyadoo la dhigay mid ka mida wadooyinka Muqdisho.
Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan ayaa SONNA u sheegay in gaariga la dhigay goob wadada dhinaceeda ah oo ay aad ugu badan yihiin dadka shacabka ah isagoo aan sheegin goobtaasi.
Gaarigan ayaa waxaa ku dhex jiray qalab fara badan oo dhalin karay qarax lagu hoobto, iyadoo ay soo bateen gawaarida ay NISA qabaneyso oo miineysan kuwaasoo aanay jirin cid lagu qabto, taasoo keentay shaki badan oo ku saabsan gawaarida la qabto ee miineysan.
DAAWO SAWIRRO