Diyaaradda xamuulka shiradda Turkish Airline ayaa bilowday daabulka deeq ay soo iibiyeen koox isugu jirta ciyaaryahanno, jilayaal iyo shaqsiyaad caan ku ah warbaahinta bulshada oo lacago Soomaaliya ugu ururiyay internetka.
Kooxdan oo uu bilaabay ciyaaryahanka dhinaca dabaasha ee Faransiiska ah JÉRÔME JARRE ayaa muddo kooban ku ururiyay lacag ku dhow 2.5 Milyan Doolar, waxayna howlgalkooda ka bilaabeen duleedka Muqdisho.
Deeqda laga soo dejiyay Muqdisho ayaa ah Raashin tayo sare leh oo loogu talogalay nafaqada caruurta macaluushu heyso, waxayna duulimaadyadu noqon doonaan kuwo is daba joog ah.
Shirkadda Turkish Airlines ee xamuulka ayaa ugu deeqday kooxdan diyaarad lacag la’aan ah oo daabusha deeqda loogu talogalay dadka abaareysan ee Soomaaliya.
SAWIRRO