Dukaamo Ganacsi oo ay la haayeen ganacsato Soomaali ah ayaa lagu gubay, qaar kalena lagu boobay Magaalooyin ku yaala Dalka Koonfur Africa.
Xaalad doorasho iy olole ayaa ka socda magaalooyinka dalka Koonfur Afrika, iyadoo todobaad ay ka harsan tahay doorashooyinka dowladaha hoose ee dalkaasi, waxaana gobolada kala duwan ka dhacay falal isugu jiraan dilal, dhac, iyo rabshado lagu boobayo goobaha ganacsiga dadka ajnabiga ah.
Xaafada Mbkweni oo 70 km u jirta magaalada Cape Town ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo dadka degaankaasi oo diidanaa go’aan loogu diiday dhul ay guryo ka dhistaan, taasoo keentay in kooxo burcad ah ay ka faa’iideystaan oo ay boobeen goobaha ganacsi oo ay lahaayeen Dadka Soomaalida iyo ajaaniibta kale.
Cabdiraxmaan Faarax Xundubeey oo ka mid ah ganacsatada hantidooda la boobay ayaa sheegay in goobtooda ganacsiga ay ka badbaadsadeen oo kaliya sharciyadii ay dalka ku joogeen isla markaana ay soo badbaadisay haweeney daris laheyd oo gurigeeda ku xareysay inta kooxaha burcada ah ay raadinayeen.
Guddoomiyaha Jaaliyadda somalida ee Magaalada Cape town Muuse Afrax ayaa sheegay in inkastoo Dalka South Africa oo dhan ay ka dhacayaan rabshadaha hadana xilliyada doorashooyinka waxaa sii kordha falal dambiyeeyda la xariira arimaha doorashooyinka.
SAWIRRO
SONNA