Waxaa la helay sawirrada Gaarigii lagu Qarxiyey guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Maxamed Ibraahim Barre, oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.
Burbur xoog leh ayaa gaaray Gaariga guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo lagu beegsaday Guddoomiyaha degaanka Ceelasha Biyaha, waxaana guddoomiyaha uu sheegay inuusan wax dhaawac ah soo gaarin marka laga reebo firir yar.