Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay gacan-yaraha dhaxal sugaha Sacuudiga ee madaxda ka howlgalkii naxdinta lahaa ee lagu dilay Saxafiga Sacuudiyaanka ah ee Jamal Kashoqgi oo la sheegay in jirkiisa lagu dhex jarjaray Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii bishan Oktobar.
Kadib markii shalay la faafiyey in gacan-yaraha u dhow Dhaxal-sugaha Sacuudiga ninka lagu magacabo Maahir C/casiis Mudrib uu mas’uul ka ahaa isku xirka qorshaha dilka Saxafiga ayaa telefishanka Aljazeera wuxuu baahiyey muuqaal laga duubay ninkan oo maalintii la dilay saxafiga sii galaya, kana baxaya Qunsuliyadda.
Isla maalintaas wuxuu Maahir C/casiis sameeyay sida ay sheegtay xeer ilaalinta Turkiga 19 Call oo 4 ka mida uu ku wacay xafiiska Dhaxal-sugaha Sacuudiga, taasoo caddeyn u ah in dhaxal-sugaha uu ka danbeeyay dilka Jamal Kashoqgi.
Ninkan ayaa hore u ahaa diblomaasi ka shaqeeya safaaradda Sacuudiga ee London, kadibna wuxuu noqday mid ka mida gacan-yareyaasha Dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna u raacay safarradii uu ku tegay dalalka reer Yurub iyo Mareykanka, waxaana la filayaa in Turkigu soo saaro amar ninkaas lagu soo qabanayo si cadaaladda loo horgeeyo.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA XIRIIRIYAHA DILKII JAMAL KASHOQGI EE MAAHIR C/CASIIS



SAWIRADDII HORE
