Isbedel weyn ayaa laga dareemay ciidamada xasilinta ee sugaya ammaanka caasimadda, kadib weerarkii xalay ay kooxda Alshabaab ku qaaday laba Baar oo caan ah.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la keenay wadooyinka magaalada, waxaana la kordhiyay howlgalkii ammaanka iyadoo si weyn loo baarayo gaadiidka iyo dadka la socda.
Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho ayaa la geeyay wadooyinka waaweyn iyo jid-caddeyaasha, waxaana laga dareemay inay wax iska bedeleen qaabka baaritaanka ciidamadaasi ay hore u sameyn jireen.
Xukuumada Soomaaliya oo maanta shir ka yeelatay xaaladda ammaanka kadib weerar dad badan lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay intii howlgalka caasimadda bilowday ayaa lagu faray hay’adaha ammaanka inay kordhiyaan dadaalkooda.
SAWIRRO