Shirkii Golaha Amniga Qaran ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhaba, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Shirkan oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa horyaalal qodobo fara badan oo xasaasi ah, iyadoo uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo xiriirka madaxda dowladda & maamul Goboleedyada uu liito.
Wejiga cusub ee shirka ka soo dhex muuqday ayaa ahaa madaxa xukuumadda Galmudug oo ah Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ahaa dadkii khudbadaha ka jeediyay furitaanka shirka.
DAAWO SAWIRRADII FURITAANKA SHIRKA