Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/lalahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray xarunta guddiga Gurmadka xaaladda degdega ah ee qarixii Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa warbixin laga siiyay xaaladda gurmadka iyo dadka la isu raadinayo, iyadoo madaxweynaha lala hadalsiiyay ehelo raadinaya dad ka maqan oo ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay.
Waxaa sii xoogeysanaya gurmad loogu jiro dadkii ku waxyeeloobay Qarixii weynaa ee Muqdisho, waxaana guddiga shalay la sameeyay oo ku howlgalaya xarunta Hargaha iyo Saamaha ee Muqdisho oo u dhow Km4 ay qabteen tobanaan dad ah oo la la’ yahay.
Madaxda dowladda, Wasiirada, xildhibaanada iyo mas’uuliyiinta kale oo howsha ugu weyn ee ay hayaan waxay noqotay howlaha gurmadka, waaana xarunta Guddiga la geeyay deeqo kala duwan.