Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Sharma Sheikh ee ee dalka Masar.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shirka Ganacsiga iyo maalgelinta Afrika eeĀ Africa Business Forum oo sidoo kale ay ka qeyb galayaan madaxda qaar ka mida dalalka Afrika.
Garoonka Sharma Sheikh waxaa ku soo dhoweeyay madax ka tirsan dowladda Masar, waxaana la filayaa inuu ka qeyb galo doodaha shirka oo ku saabsan fursadaha maalgelinta Afrika sidii ay u noqon lahaayeen kuwo keena horumar waara.
SAWIRRO