Nin isku dayay inuu isku qarxiyo Busteejada ugu weyn Basaska ee magaalada New York ayaa la qabtay, waxaana dhaawacyo soo gaareen saddex qof.
Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Akayed Ullah,oo ah 27-sano jir ka yimid dalk Bangladesh, waxaana uu ku dhaawacmay waxyaabo qarxa oo guriga uu ku soo sameeyay, taasoo keentay in qaraxa walxahaasi ay keenaan inay jirkiisa ku xirmaan.
Muuqaal baraha bulshada wareegaya ayaa muujinaya ninkan qaraxa sameeyay oo dhulka yaalla iyadoo ay ku xiran yihiin jirkiisa waxyaabo qarxa oo qaarkood qarxay. Saxaafadda Mareykanka ayaa shaacisay in ninkan uu ka tirsanaa taageerayaasha ISIS.
Duqa magaalada New York ayaa sheegay in argagixisada aanay guuleysan doonin, wuxuuna intaas ku daray in ninkan la filayo inuu keligiis falkan ku kacay.
Qaraxa ayaa ku beegmay waqtiga ugu mashquulka badan basaska ee busteejadaasi oo sanadkii ay isticmaalmaan dad ka badan 65 million oo qof. Dad badan ayaa goobta ka carraray, waxaana waqti kooban la xiray goobtaasi.