Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»SAWIRRO: Puntland oo Nus Milyan Doolar ku wareejisay Guddiga Gurmadka Qaraxii Soope

    SAWIRRO: Puntland oo Nus Milyan Doolar ku wareejisay Guddiga Gurmadka Qaraxii Soope

    November 8, 20174 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Puntland ayaa Guddiga Gurmadka Dowladda Soomaaliyta ku wareejiyey lacag ku dhow Nus Milyna Doolar oo madaxda iyo shacabka Puntland ay u soo ururiyeen walaalahood  ku waxyeeloobey qaraxii Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October 2017.

    Deeqdaasi oo ahayd tii ugu badneyd ee dad Soomaaliyeed soo ururiyaan ayaa gaartay  Afar Boqol Sagaashan iyo Kow Kun, Boqol iyo Todoba Dollar $491, 107 Dollar.

    Munaasibadda xafladda wareejinta gurmadka Puntland ee qarixii Soobe oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Khayre, C/weli Gaas madaxweynaha Puntland oo muqdisho ku sugan.  Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS iyo kuwa dawladdaha xubnaha ka ah dawladda DFS, Guddiga Gurmadd ka heer qaran, guddiga gurmadka dawladda Puntland ee dhacdadii Soobe, culimo, waxgarad, siyaasiyin, masuuliyiin kale iyo qaar kamida shacabka magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas  oo ka hadlay  xafladdaasi ayaa sheegay in gurmadkani dawladda Puntland iyo shacabkeeduba ay ugu deqeen walaalhooda ku waxyeeloobey qaraxii Soobe uu ahaa mid ku waajiba, waxaana uu tilmaamay Madaxweynuhu in arinkaasi uu farayo damiirka walaalnimo iyo midka islaanimo in laysu gurmado.

    “Wixii waajib ka ahaa weeye waxa dadka Puntland ay sameeyeen, maxaa waajib ka dhigay? waxaa waajib ka dhigay sadexda xayndaab ee inagu xeeran oo aynu wax isugu nahay, xayndaabka koowaad waa kan bini aadantinimada, bini aadanku meelkastuu joogo waxa ka dhexeeyaa xidhiidh, taas weeye sababta ciidamada AMISOM ay ugu dhimanayaan Soomaaliya, tan labaad waxaa inaga dhexeeya tii islanimada, dadka Islaamka ahi meelay joogaanba walaalo weeye, tan ugu danbaysaa waxa weeye tan ugu mihiimsan oo ah Soomaalinimada” ayuu yiri Madaxweynaha dawaldda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in markii ay dhacday dhacdadii foosha xumayd ee 14 October 2017 lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ay fikirkiisa wax ka bedeshay, taas oo ay sababtay buu yiri Madaxweynuhu ummadda Soomaaliyeed meel kastay joogaanba qiirada qashay iyo wanaagga Soomaalinimo ee ka muuqatey caruur, dhalinyaro iyo cirooleba, waxaana uu Su’aaley siyaasiyiinta Soomaaliyeed ” war shacabku waa saxan yihiin ee armay inaga wax inaga qaldan yihiin haddaan siyaasiyiin nahay?, isla markaana Madaxweynaha ayaa xusay in shacabku direen fariin Soomaalinimo loona baahan yahay inay qaataan fariintaasi Madaxda Soomaaliyeed ee iminka Soomaaliya ka arrimisa.

    Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhankiisa shacabka reer Puntland uga mahadnaqay darenka walaatinimo ee ay ugu soo gurmadeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobey qaraxii Soobe kaas oo cadawga Soomaaliyeed ay ku xasuuqeen shacabkeenna, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale cadeeyey in wada jirka shacabka Soomaaliyeed uu dhabar jab ku yahay cadawgooda, taasna ay tusaale u tahay hiilka maanta Puntland iyo shacabkeedu walaalahooda reer Muqdisho ay ugu soo gurmadeen,

    Ra’iisul Wasaare Khayre oo kahadlaya laba dhacdo oo cajiiba ayaa xusay in inanta da’da yar ee reer Puntland ee ku deeqaday buskudka ay markaas maal aduunyo gacanta ku haysey iyo laba inan oo reer Muqisho ah oo  iyana si lamida ku deeqay lacag wixii ay markaas haysteen ay ka turjumayaan sida qof kasta oo Soomaali ahi ugu diyaarsan yahay inuu cadawgiisa iska dhiciyo.

    Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed, Galmudug, Hir-shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhankooda mahad balaadhan ugu celiyey Puntland iyo shacabkeedaba qurmadkani dhan Nus Maluunka ay ugu deeqeen walaalahooda dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxii Soobe, waxaana ay tilmaameen  inay dhankooda diyaar garaw xoogan ugu jiraan sidii ay dhibaatadaasi gacan xoogle uga geysan lahaayeen.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey midnimo, wadajir, nabad, xasilooni iyo horumar ay ku waraan, waxaana uu Madaxweynuhu deeqdii lacageed ee dhamayd Nus Malyuunka  [$491, 107 Dollar ] ku wareejiyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiga heer qaran ee masiibadii qaraxii Soobe 14 October 2017.

    Gargaar Gurmad Puntland Qarixii Soope
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShir looga hadlayo Federaaleynta Soomaaliya oo Itoobiya ka socda [Yaa ka qeyb galaya..?]
    Next Article Alshabaab oo 2017 Qaraxyo ku dishay dad ka badan 600 qof magaalada Muqdisho [Akhriso Shaxda]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo