Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay magaaalada Beyruut ee dalka Lubnaan, kaasoo la sheegay inuu ka dhashay waxyaabo qarxa oo ku keysanaa Bakhaarada Dekadda magaaladaasi.
Qaraxa ayaa ruxay magaaladaasi, waaana laga dareemay magaaloyin boqolaal KM u jira, iyadoo qaraxyada ay is xigeen markii danbena uu dhacay qarax aad u weyn oo baabi’iyey Xaafado dhan iyo dekadda caasimadda Lubnaan, waxaana la shaaciyey inay ku dhinteen in ka badan 100 qof, dhaawacyaduna ay gaarayaan 3500 qof.
Isbitaallada magaalada Beyrut ayaa buuxsamay, waxayna dowladda dalkaasu dunida ka codsatay inay gargaar la gaaraan dadka ku waxyloobay qaraxyadaasi.
Dowladda Lubnaan ayaa ku dhawaaqday inay magaalada Beyruut tahay magaalo musiibo ka dhacday oo xaalad degdeg ah lagu soo rogay, iyadoo mudo 3 maalmood ah loo murugoon doono dadkii ku waxyeeloobay.











