Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 8
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»XOG: Kaalintii Dowladda Qatar ku lahayd Qorshihii lagu riday Ra’iisal Wasaare Kheyre

    XOG: Kaalintii Dowladda Qatar ku lahayd Qorshihii lagu riday Ra’iisal Wasaare Kheyre

    August 4, 2020Updated:August 5, 20203 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Sidii degdegga ahayd ee Golaha Shacabka u codka muranka ku jiray ugu qaaday xukuumaddii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, laguna riday iyo sidii aan la fileyn ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo u ayiday go’aankaasi waxay su’aalo badan geliyeen qorshahaasi iyo sida loo abaabulay.

    Ma ahayn wax qarsoon in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ka horjeeday muddo kordhin loo sameeyo dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka oo isbaheysi leh ay ka quusteen inay ogaadaan rabitaanka Ra’iisal wasaaraha iyo inuu yahay musharax u taagan xil Madaxweyne oo uu cabsi weyn ka qabeen Madaxweyne Farmaajo iyo la-taliyeyaashiisa.

    Waxaa tuhunka madaxtooyada ee damaca Ra’iisal wasaaraha sii xoojiyey xiriirka uu Kheyre la sameystay madaxda maamul Goboleedyada iyo guddoonka Aqalka sare iyo sida uu ugu gacan seyray qorshaha muddo kordhinta ee ay Madaxweyne Farmaajo la wadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey.

    Xogta la helay ayaa sheegeysa in xaalad adag ay soo dhex gashay Ra’iisal wasaraha iyo Madaxweynaha, waxaana kadib soo dhe galay Dowladda Qatar. Xasan Sheekh Maxamuud Cali Kheyre safar aan rasmi ahayn ku tegay dalka Qatar aakhirkii Bishii June, balse markii uu halkaasi gaaray, waxaa la yaab noqotay inuu isna tegay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo, ahna halka dowladda Qatar u marto arrimaha Soomaaliya.

    Xasan Cali Kheyre oo kulamo xasaasi ah la yeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo saraakiisha dalka Qatar ee qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa u caddeeyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha, isla markaana aanu dooneynin in muddo kordhin loo sameeyo dowladda madaxweyne Farmaajo ama ku biiro xisbiga Madaxweyne Farmaajo, taasoo keentay inuu wadahadalka soo galo Fahad Yaasiin la iskuna dayo in heshiis laga gaaro arrintaasi, basle wadahadalkii fashilmay oo lagu kala tegay.

    Kheyre oo saaxiib gaara la ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdirahman Al-thani ayaa rajo ka qabay in xiriirkaasi wax weyn u tari doono, balse waxaa dhacday in Madaxtooyada iyo Fahad Yaasiin ay maleegaan qorshaha kalsooni kala noqoshada xukuumadda, iyagoo taageero ka heysta Qatar si meesha looga saaro Kheyre.

    Kheyre iyo taageerayaashiisa u dhow ayaa ka war helay Qorshaha mooshinka qarsoonaa ee xukuumadda loo diyaariyey Galabnimadii Jimcaha ee 24-ka July Mursal iyo Muudey, iyadoo saacado kadibna muddo 7 daqiiqo ah lagu riday xukuumadii Kheyre.

    Ra’iisal wasaare Kheyre oo aan markii hore isku mashquulin inuu taageero ka raadsado ama heshiis la sameysto guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada cabsida ka qaba inay soo noqon waayaan ayaa la kulmay xaalad adag markii ay xukuumadiisa rideen xitaa wasiiradii xildhibaannada ka ahaa oo kaliya ay taageerada Kheyre ku soo hareen shan xubnood oo ka mida golaha wasiirada oo ay ku jiraan laba wasiir oo kaliya.

    Dowladda Qatar ayaa si xoog leh ugu dhex jirta siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiirkooda Soomaaliya Xasan Xamza ayaa kulamo kala gaara Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha maamullada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

    Fahad Yaasiin Farmajo Hassan Kheire Kheyre Qatar Sheikh Mohamed Bin Abdirahman Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAqalka Sare oo Ansixiyey xubin cusub oo ku biirtay Guddiga Doorashooyinka Qaranka
    Next Article SAWIRRO: Qarax weyn oo ka dhacay magaalada Beyruut (Dhimasho & kumanaan dhaawac ah)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo