Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qarax qof is-miidaamiyey duhurnimadii maanta ku weerarray maqaayad ku taalla degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo maqaayadda ilaalo ka ahaa iyo qofka is-miidaamiyaha ahaa oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa, waxaana dhaawac kasoo gaaray hal qof oo maqaayadda Luul Yemeni ku sugnaa xilli ay mashquul ahayd ee Duhurnimada.
Maqaayadda ayaa la sheegay inay caadiyan ka cunteeyaan saraakiisha ciidamada iyo mas’uulyiinta dowladda Soomaaliya, taasoo keentay inay bartilmaameed u noqoto Alshabaab.
