Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta kulan la yeeshay Boqorka dalkaasi Salmaan Bin C/casiis.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga, iyadoo si gaara dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga uga wadahadleen fulinta heshiisyo ay hore u kala saxiixdeen labada dal.
“Waxa aan maanta Qasriga boqortooyada kulan kula qaatay boqorka dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis. Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.
Booqashada wafdiga Ra’iisal wasaaraha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay maanta soo gabgabowdo, isagoo hore ula kulmay wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubair.