Iyadoo ay sii kordhayaan wakiilada beesha caalamka ee ku lug yeelanaya doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta gaaray magaalada Baydhaba Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar.
Safiirka UK ayaa kulamo la yeeshay musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna kulan guud iyo kuwa gaara la kala yeeshay musharixiin uu ka mid yahay wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.
Wararka ayaa sheegay in kulan gaara uu xilli dambe safiirka UK la yeeshay Mukhtaar Roobow, kaasoo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, iyadoo taageerayaasha Sheekha ay sheegeen inuu kulanka ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay.
Kulamadan ayaa ka dhacay xarunta UN ka ee Maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo. Waxaana looga hadlay sidii doorasho xor ah uga dhici laheyd Koonfur Galbeed, looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan.