Shirkii Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka mida AMISOM ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalkaasi iyo wakiilada Beesha Caalamka.
Shirka waxaa shir guddoominaya madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni, waxaana miisak saaran mustaqbalka ciidamada AMISOM iyo sidii xilka loogu wareejin lahaa ciidamada dowladda Soomaaliya, looguna diyaarin lahaa inay kala wareegaan AMISOM.
Shirka ayaa golaha amaanka ee Q/Midoobay u diray baaq ah inuu dib uga laabto dhimista ciidamada AMISOM oo ay sheegeen inay halis gelin karto guulaha ay AMISOM ka gaartay Soomaaliya xilligan oo aanay ciidamada Soomaaliya diyaar u ahayn inay xilka kala wareegaan AMISOM.
SAWIRRO