Shirkii wadahadalka dib u heshiisiinta maamullada Galmudug iyo Ahlu suna ayaa maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Wafdiyada labada dhinac ayaa waxaa kala hoggaaminaya madaxweynayaasha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo madaxweynaha Ahlu suna Sheekh Axmed Shaakir Cali, waxaana ku wehliya madax iyo xildhibaano ka tirsan labada dhinac.
Wadahadalka maanta ka furmay Jabuuti oo ah kii labaad oo labada dhinac dhex mara ayaa qodobka ugu weyn ee horyaalla uu yahay awood qeybsiga labada maamul iyo sida ay isugu biiri lahaayeen, waxaana qodobkaas hore loogu fashilmay markii labada dhinac ay dowladda Soomaaliya ku dhexdhexaadisay magaalada Muqdisho.
Ahlu suna oo taageero ka hesha Itoobiya iyo maamulka Galmudug ayaa in muddo ah dadaal loogu jiray in la mideeyo, iyadoo arrintaas ay hadda la wareegtay IGAD oo qabanqaabisay ku heysa shirka Jabuuti hadda ka soconaya.
SAWIRRO