Wararkii ugu danbeeyay qaraxii duhurnimadii maanta ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa loo adeegsaday Gaari ayaa dhaliyey qasaare xoog leh, waxaana ku dhintay 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa iminka 14 kale, sida laga soo xigtay saraakiisha gurmadka degdega ah ee goobta tegay.
Sawirrada goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya in burbur xoog leh uu kasoo gaaray goobo ganacsi oo u badnaa kuwo Jiingado ka sameysan.
SAWIRRADA