Martida Alle ee xujeyda sanadkan ayaa ku qulqulaya maanta maxfalka MINA oo ah halka ay acmaasha xajka maanta ka bilaabaneyso maalinta 8aad ee Bisha Dulxaj, iyadoo loo yaqaan Yowmu Tarwiyah (يوم التروية).
Qulqulka Xujeyda ayaa socon doona ilaa galabta, ka hor inta aysan berri oo Isniin ah tegin Buurta Carafa oo maalintaas oo dhan ay ku qaadan doonaan xujeyda, kaasoo ah runkiga ugu weyn Xajka, waxaana dadka sanadkan xajka u tegay dhulka barakeysan ay gaareen 2 Milyan oo qof sida ay shaacisay xukuumadda Sacuudiga.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dhammaan la diyaariyey adeegyadii Xajka, waxaana howlaha xajka waxaa sanadkan ku howlan dad gaaraya 250,000 qof oo ka kala socda 45 dal, kuwasoo bixinaya adeegyo kala duwan oo gaaraya 195 adeeg oo loogu talogalay in xujeyda loo fududeeyo gudashada xajka.