Diyaarad nooca rakaabka ah ee Boeing 747-400 ayaa loo bedelay Baar casri ah oo laga cunteeyo.
Diyaaradan oo howlgab noqotay ayaa magaalada loo dalxiis tago ee Bali, dalka Indonesia dib loogu habeeyay, waxaana loo qaabeeyay qaab soo jiidasho leh oo ay ka muuqato farshaxan sare.
Diyaaraddan ayaa loo dhisay meel sare iyadoo la dul saaray dhismooyin loo qaabeeyay, waxaana lagu tegaya jaranjaro si qurux badan loogu diyaariyay, iyadoo ay Baarkan tagaan dalxiisayaasha dalkaasi taga.
DAAWO SAWIRRO