Waxaa muddooyinkii ugu danbeeyay soo jiitamayay in weriyeyaasha Soomaaliyeed ay siyaasadda ku biirayeen, laga soo bilaabo Somaliland ilaa Muqdisho. Intooda badan weriyeyaasha waxaa loo magacaabaa “AFHAYEENNO” iyagoo ku eg inay ku hadlaan codka madaxtooyo, Xukuumad ama Wasaarad. Waxaad arkeysaa in saxafiyiinta xilalka loo magacaabay ay yihiin jagadaas afhayeenimada ah ee saxaafad laa-hadalka ku eg.
Tiro aad iyo aad u yar ayaa hiigsatay xilal siyaasadeed oo dhaafsiisan xilkaas shaqadoodii hore ku xiran, waxaana laga tilmaami karaa C/llaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo wasiirka Warfaafinta ka ah Somaliland; Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) oo guddoomiye ku xigeen ka noqday G/Banadir iyo Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo sumad-laawe siyaasadeed ku soo baxay, wax xil ahna aan lagu magacaabin, balse siyaasadda ka dhex muuqda. Waxaa kaloo jira saxafiyiin gaaray ilaa agaasime iyo kuwo ciidamada galay intaba waase tiro aad u yar.
[ad name=”HTML-3″]
Saxafiyiinta ilaa hadda jagooyinka afhayeen loo magacaabay waxaa ugu danbeeyay C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara) oo loo magacaabay afhayeenka madaxweynaha maamulka KMG ah ee K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Waxaa kasii horeeyay Daa’uud Aweys Jaamac oo afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya loo magacaabay iyo Ridwaan Xaaji C/weli oo Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ku magacaaban muddo saddex sano ah.
Haddaba waxaa is weydiin leh saxafiyiintu ma dhaafi doonaan jagooyinka ay xaqa u leeyihiin ee afhayeenimada mustaqbalka dhow mise waxay ku raali noqon doonaan inay kuwa xilalka haya u hadlaan oo makarafoon u noqdaan, tiiyoo la ogyahay inay ka aqoon badan yihiin marar badan mas’uuliyiinta ay codkooda ku hadlaan? la akri doonee wixii kusoo kordha.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-7″]