Ciidamada dowladda ayaa saaka u diiday saxafiyiinta warbaahinta Muqdisho inay tagaan Hotelka SYL ee xalay weerarku ka dhacay.
Ilaa soddomeeyo saxafi ayaa gaaray hotelka SYL, waxaana laga hor istaagay inay galeen Hotelka oo ay ilaalo ka hayaan ciidamada Booliska iyo kuwa Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo loo sheegay inaan ilaa amar danbe la geli karin hotelka.
Ciidamada Amniga ayaa xalay 2:00 habeennimo saqda dhexe kadib soo gabagabeeyay howlgal qaatay 7 saacadood oo ay la galeen 5 maleeshiyo ah oo ka tirsana Alshabaab, kuwaasoo weerarka ku qaaday Hotelka, waxaana taliska Booliska uu sheegay in dhammaantood la dilay.
Taliska Booliska ayaa xalay ugu baaqay saxafiyiinta iyo dadweynaha inay ka fogaadaan Hotelka, laakiin iyadoo lasoo afjaray howlgalkiiayaan weli saxafiyiinta loo ogolaan inay goobta tagaan oo xaaladda Hotelka la wadaagaan shacabka.