Kursigii afraad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Baydhaba, kaasoo ka mida 8-da kursi ee yaalla K/Galbeed.
Maxamuud Maxamed Cabdinuur ayaa ku guuleystay inuu noqdo Senator Aqalka Sare ee barlamaanka 11aad, kaasoo hore loogu saadaaliyey markii uusoo sharxay madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen.
Maxamuud Maxamed Cabdinuur ayaa ku guuleystay Codad Gaaraya 76, Halka Nuur Baabul Caddow oo la tartamayay waxaa uu helay 9 cod oo kaliya.
