Senetor ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo Lindsey Graham ayaa ku baaqay in kharijin lagu dilo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Sanator Graham oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka ayaa ku sheegay in sida kaliya ah ee lagu soo joojin karo duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine ay tahay “In qof Ruush ah oo ka mida dadka u dhow Putin uu khaarijiyo, sidaasina ku dilo, taasoo xaaladda wax weyn ka bdeli karta.
Hadalka Senatorkan oo ka mida odayaasha ugu waaweyn xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa cabasho kasoo saartay Safaaradda Ruushka ee Washington, waxayna dowladda Ruushku dalbatay faahfaahin hadalkaas ku saabsan oo ay sheegtay inuu yahay mid halis ah.
Dhinaca kale, xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa iska fogeysay, kuna gacan seyrtay hadalka kasoo baxay senator Graham, iyadoo sheegtay in hadalkaas aanu ahayn mid ka tarjumaya mowqifka dowladda Mareykanka ama mas’uul ah.
Hadalka kasoo baxay sanatar Graham ayaa si weyn caro uga dhaliyay gudaha Ruushka iyadoo safiirka dalkaas u fadhiya Mareykanka wuxuu ku eedeeyay sanatorka in uu wado ‘naceyb ka dhan ah Ruushka’.
