Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaara oo soo baara dagaalkii Ciidamada dowladda iyo Daraawiishta K/Galbeed ku dhex maray magaalada Baraawe.
Guddigan oo Gaar ah oo jiri doona muddo cayiman ayaa ka dhashay dooddii xaaladda magaalada Baraawe ee ka dhacday Kalfadhiga 3aad Kulankiisa 5aad ee Golaha Shacabka oo qabsoomay June 14, 2023.
Guiddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddigan oo xildhibaano ah kana kooban xubnaha soo socda:
1. Xildhiban Yuusuf Geele Ugaas Axmed
2. Xill. Maxamed Abuukar Cabdi
3. Xill. Cabdi Ibrahim Warsame (Qowdhan)
4. Xill. Hussein Cali Haaji
5. Xill. Aweys Maxamed Omar
6. Xill. Ali Mohamed Sheikh Bagadi
7. Xill. Guuleed Biihi Cabdi Cali
8. Xil. Maxamed Cabdirahman Nadiif
9. Xill. Nuur Axmed Diiriye
10. Xill. Maxamud Axmed Mohamed (Baafo)
Shaqada Guddigan ayaa ha inuu warbixin kasoo diyaariyo xaaladda ka dhacday magaalada Baraawe, taasoo sababtay dhimasho, dhaawacyo iyo bur bur hantiyedeed iyo inuu Guddiga warbixintiisa u soo gudbiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka si goaan loogu gaaro.
Muddada xil-haynta guddigan waxay ku eg tahay isla maalinta Golaha Shacabka ka go’aan gaaro warbixintooda. Tallaabdan ayaa imaaneysa iyadoo Wasaaradda Gashaandhigga, Taliska ciidamada Milateriga iyo Xukuumadda Federaalka ay ka gaabsadeen inay wax ka qabtaan xaaladda cakiran ee Baraawe.