Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u xiran dowladda Soomaaliya, kana mida culimada aasaasay maxkamadihii islaamiga, Xisbul Islaam, kadibna Alshabaab ku biiray intii aanu isu dhiibin dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay arrinta ku saabsan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ee ah inuu ku gefay xadiis ka sugnaaday Nebiga NNKH.
Sheekh Xasan Daahir wuxuu si adag u sheegay in C/raxmaan C/shakuur uu ku dhacay kufri, markii uu ku jeesjeesay xadiis ka sugnaaday Nebiga SCW, wuxuuna caddeeyay inuu la mid yahay Salman Rushdi oo meel uu galo la weyn doono haddii aanu towbad keenin, wuxuuna u adeegsaday ereyo aad u culus.
Wuxuu ku eedeeyay inuu adduunyo-raac yahay oo diinta uu yaqaan balse uu ka raacay adduunyo iyo kursi raadis, wuxuuna ku celceliyey in la iska ilaaliyo C/raxmaan C/shakuur oo diinta Alle ku jeesjeesay, isla markaana gaallada is tusayo.
Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuu rajeynayo inuusan wax xil ah qaban C/raxmaan C/shakuur, Allena u sahlin, isaguna inuu maanta karo inuu hadalkan soo saaro.
Salman Rushdi ayaa ahaa qoraa heysta dhalashada UK oo asalkiisu yahay Hindi, kaasoo qoray buug uu ugu gefay diinta islaamka, iyadoo muslimiin badan ay ku xukumeen in lagu dilo meeshii lagu arko.