Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Shan Arrimood oo laga diiwaan geliyay kulankii taariikhiga ee hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya [Akhriso]

    Shan Arrimood oo laga diiwaan geliyay kulankii taariikhiga ee hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya [Akhriso]

    April 27, 20184 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kullanka dhexmaray hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa noqonaya markii saddexaad oo ay kulmaan hoggaamiyeyaasha labada Kuuriya.

    Balse waa markii koowaad oo daawadayaasha adduunka ay helaan daaqad ay ka daawan karaan waxa meesha ka dhacay.

    Kulankan waxa uu ahaa mid ay ku jiraan tallaabooyin taariikhi ah iyo kuwa la yaab leh.

    1. Maxay ugu kulmeen dhanka Kuuriyada Koonfureed?

    Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbalashay in hoggaamiyahooda sare uu Kuuriyada Koonfureed kulmo madaxweynaha dalkaas Moon Jae-in.

    Sanadkii 2000, kulan ka dhacay magaalada Pyongyang, waxaa halkaas tagay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Kim Dae-jung, maadaamaa uu 17 sano ka yaraa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, kaas oo sheegay in ay mudantahay in ninka yar uu soo booqdo kan weyn.

    Horay uma dhicin in hoggaamiye Kuuriyada Waqooyi uu booqdo Koonfurta laga soo bilaabo sanadkii 19951-dii. Balse Kim ayaa Moon u muujinaya in uu ka duwanyahay hoggaamiyeyaashii hore.

    Wadahadalada labad dhinac ayaa ka biloowday aagga militariga ka caaggan ee labada dal u dhaxeeya, kadib markii Kim uu Koonfurta u tallaabay, kadibna Moon uu si lama filaan ah ugu casuumay in uu dhanka kale ee Waqooyiga istaago.

    Iyaga oo gacmaha is heysta ayay usoo wada talaabsadeen halkii lagu qabanayay shirka.

    Dhaqanka Kim waxa uu u ekaa mid loogu talogalay oo maanka lagu hayay in la baahin doono ficil kasta oo uu sameeyo. Wuxuuna isu muujinayay in uu isaga shukaanka ku fadhiyo.

    2.Muujin awoodeed

    Askar badan oo hareer ordaysa gaariga Kim
    Waxaa jira waxyaabo badan oo u qaas ah oo gallad ah oo uu leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxaa ka mid ah illaalo aad u badan.

    Illaalada Kim ayaa horey usii galayay qol kasta oo uu kulan ka dhacayay, iyaga oo meesha ka nadiifinayay haddii lagu sii xiray qalab wax lagu dhagaysto.

    Kursiga iyo miiska uu fariisanayo Kim ayaa lagu buufinayay hoor wax nadiifiya.

    Markii ay qadadii dhammaatay, baabuurkii uu saarnaa Kim waxaa labada dhinac ka ruxleeynayay illaalo aad u tiro badan.

    3.Xaalado adag

    Markii uu shirka furmay madaxweyne Moon ayaa taabtay qodobo xasaasi ah, wuxuuna sheegay in dadka barokacay iyo kuwa soo baxsaday in ay qabaan rajo badan.

    Waxa ay ahayd arrin aan caadi ahayn in uu qirto jiritaanka dadka soo baxsaday oo ay Kuuriyada Waqooyi u taqaano kuwa galay qiyaamo qaran.

    Balse arrinta ugu muhiimsan waxa ay ahayd markii uu Kim qirtay in kaabayaashooda dhaqaale ay u baahanyihiin dayac tir iyo horumarin weyn.

    Moon ayaa Kim u sheegay in uu jecelyahay in uu fuulo buurta Paektu, taas oo ku taala Waqooyiga, loona arko in ay tahay mid barakaysan.

    4. Dhaqanka iyo ciyaaraha

    Shirarka waxaa Kim kala qaybgalayay walaashiis ka yar

    Waxyaabihii ugu horeeyay ee dhexmaray labada Kuuriya, Kim waxa uu diray walaashiis ka yar Kim Yo-jong iyo Kim Yong-chol oo ahaa madixii sirdoonka ciidanka, haddane ah ninka ugu sareeya ee xagga dublamaasiyadda.

    Labadan qof ayaa ah kuwa ugu dhow hoggaamiyaha ee la taliya, iyada oo saacado ka hor kulanka ay walaashiis sii qaaday warqadaha khudbadda iyo fariinta walaalkeed Kim.

    Kim waxa kale oo uu horey usoo watay saraakiil kale oo dheeraad ah kuwaas oo ka qeybgalayay shirar kala duwan oo kala heer ah.

    Waxaa ka mid saraakiil ciidamo, kuwa dhaqan iyo kuwa ciyaaraha qaabilsan.

    Si ka duwan socdaalkii uu ku tagay Shiinaha, Kim ma uusan wadanin saraakiil sirdoonka ah iyo kuwa xagga dhaqaalaha.

    Taas waxaa loo fasirtay in kulankan uu yahay mid maamuus ah oo kaliya, balse waxyaabaha muhiimka ah ay dambeyn doonaan.

    5.Salaan saarka

    .

    Wasiirka gaashaandhiga Kuuriyada Waqooyi Jeneraal Pak Yong-sik iyo taliyaha ciidanka Ri Myong-su ayaa salaan sharaf u saaray madaxweyne Moon.

    Balse dhiggooda Koonfurta salaam uma aysan saarin Kim. Kim oo hormaray ciidamadii salaam sharafta qaadayay ayaan isaguna u salaam noqin askarta.

    Salaantan ayaa waxa ay ka dhigantahay in dagaalkii labada dal dhexmaray in uu dhammaaday iyada oo aanan la saxiixin heshiis nabadeed.

    Labada hoggaamiye waxa ay ku heshiiyeen in ay bilaabaan wadahadalo nabadeed, balse shaqo badan ayaa taala.

    Kim Jong-un Korea North Korea
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWarbaahinta Muqdisho oo ku dhawaaqday Olole lagu taakuleynayo Xulka K/cagta ee 17 jirrada Somalia [Sawirro]
    Next Article DAAWO: Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya beeniyay jiritaanka Dastuur la xaday [Faahfaahin muhiim ah oo uu bixiyey]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo