Weerarrada iyo qaraxyada dib u soo laba kacleeyay kadib dhow bilood oo xaaladu deganeyd, iyagoo ka awood badan kuwii hore, kana qasaare badan, waxay keeneen su’aalo badan oo kasoo noqday qaabka loo sugo ammaanka caasimadda.
Labadii weerar ee ugu danbeeyay 14 iyo 28 Oktoobar waxay xaaladda ka dhigeen mid quus ah oo dad badan ay gashay cabsi ku saabsan inaysan suuragal ahayn wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho.
Waxaana halkan ku iftiineynaa sababaha keenay fashilka dhinaca amniga ah oo mar kasta dawo looga raadiyo kala bedelka taliyeyaasha iyo wasiirada amniga, waxaana ka midaarrimaha soo socda:
1- Sirdoonka dowladda oo aan weli awood u yeelan inay sii ogaadaan qorshaha Alshabaab, kana hortagaan, haddii xitaa ay sii ogyihiin aanu jirin falcelin degdeg ah.
2- Alshabaab oo mar waliba beegsata goobo aan la fileyn oo ah bartimaameedyo sahlan oo shacab si qasaare badan halkaas uga dhaco.
3- Muqdisho oo ah magaalo ballaaran isla markaana aan amni ahaan gacanta ugu wadajirin ciidamada ammaanka, fulint qorshe kasta oo ami uu ku dhammaado fashil.
4- Qaabka howlgallada ciidamada oo u badan inay wadooyinka xiraan gaadiidka isha la raacaan, iyadoo aanay jirin baaritaan rasmi ah iyo qalab lagu ogaan karo gawaarida qaraxyada sida.
5- Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, isla markaana qorshooyinkooda waaweyn, iyagoo heysta dhul nabadoon oo ay kasoo abaabulaan qaraxyada kaasoo aan u dheereyn caasimadda.
Arrimahan oo dhan waxay keeneen in loo caal waayo soo celinta amniga Muqdisho, iyadoo xilligan lagu jiro xaaladii ugu ba’neyd ee laga doodayo sida ammaanka loo sugi karo oo ay barbar.
Wadani