Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Shantii Ballanqaad ee Madaxweyne Farmaajo kasoo bixi waayey…. [Akhriso Warbixinta]

    Shantii Ballanqaad ee Madaxweyne Farmaajo kasoo bixi waayey…. [Akhriso Warbixinta]

    February 9, 2019Updated:February 9, 20194 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa laba sano jirsatay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8-dii bishi Febraayo 2017, iyadoo weli ay shacabku is-weydiinayaan waxa ka hirgalay ballanqaadyadii uu madaxweyne Farmaajo sameeyay markii uu mushaaxa ahaa.

    Khudbadii uu Baarlamaanka ka jeediyay Madaxweyne Farmaajo markii uu ahaa musharaxa, waxay hadalkiisa ka dheehan kartay waxyaabo badan oo ay adag tahay in laga hirgaliyo Soomaaliya, kuwaasi oo madaxweynaha uu ballan qaaday, balse dhaqan-gelintoodu u suurageli weayeen, qaarkoodna waqtigii uu qabsaday la dhaafay.

    4 sano waa xilliga guud ee ay heysato dowladda, ka hor inta aan doorasho kale la qabanin, haddana waxaa gudubtay 2 sano oo wakhtigaas kalabarkiis ah.

    1- Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

    Amniga wuxuu ka mid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku ol’oleynayay, xilligii uu musharraxa madaxweyne ahaa.

    Waxyaabah ugu horeeya ee tusaalaha loo soo qaadan karo, aadna loo xusuusto ayaa waxaa kamid ah ballantii uu qaaday oo ahayd soo afjaridda dagaal ka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu khudbadda baarlamaanka ka jeedinayay xilligii uu musharaxa madaxweyne ahaa wuxuu sheegay iney sameyn doonaan dadaallo lagu cirib tirayo dhaqdhaqaaqa Al Shabaab, laakiin isagoo madaxweyne ah, mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabaddii xuska 57-aad ee aasaaska ciidanka xoogga Soomaaliya, 12-kii bishii Abriil 017-kii, wuxuu wakhtiyeeyay xilliga looga adkaan karo kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya.

    “Ciidan aan lahayn shacab ma guuleysan karo. Ciidanku wuxuu guuleysan karaa markii uu ogyahay inuu heysto taageerada shacabkiisa iyo dowladdiisa. Annagu haddaan qeybteenna la imaanno, oo dhankii dowladnimada ah, oo dhameystireysa wax walba oo loo baahan yahay, shacabkana ay garab istaagaan, waxaan xaqiijineynaa muddo 2 sano ah shabaab inaan dalka uga cirib tirno, hadduu Ialaahey yiraahdo”.

    Farmajo April 2017

    Balse ballan qaadkan, inkastoo uu shacabka dadaalkooda qeyb uga dhigay, ma suurtoobin wali.

    2- Abaalmarimnta dadka soo sheega qaraxyada

    Madaxweyne Farmaajo waxaa kale oo uu barlamaanka hortiisa ka ballan qaaday in qofkii soo sheega maclumaad la xiriira cidda fulisa qaraxyada dhaqdhaqaayada amni darrada la siin doono abaalmarin.

    “Dagaalakan waa dagaal dhab ah, waa dagaal xaq ah, sirdoonka oo la xoojiyo aqoontooda, waxaan aaminsanahay in baabuurta la qarxinayo ee lagu weerarayo huteelada shacabka na leynay in wax laga qaban karo, waxaa wax looga qaban kara na ay tahay in hal malyan oo doolar bil walba meel loo dhigo, qofkii soo sheega baaburkaasi qarxayana boqol kun oo doolar la siiyo, hadii uu rabana dibadda loo diro”, Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweynaha ayaa xiligaasi sidoo kale ballan qaaday in haddii la doorto ay dowladiisa dib u dayac tiri doonto dhismayaasha ku burbura qaraxyada Al Shabaab, sidoo kalena dadka ku dhinta qaraxyada Shabaab magdhaw lasiin doono.

    Balse dhammaan ballan qaadyadan fulintooda wali lama soo tabinin, iyadoo hadda ay dowladdu jirto muddo 2 sano ah.

    3- Musuqmaasuqa

    Dhanka musuqmaasuqa, khudbaddii madaxweyne Farmaajo ee baarlamaanka, ka hor inta aan madaxweynaha loo dooranin, wuxuu ku sheegay in Soomaaliya ay 10-kii sano ee lasoo dhaafay meel hoose uga jirtay liiska waddamada ugu musuqmaasuqa badan caalamka, wuxuuna ballan qaaday inuu arrintaas wax badan ka baddali doono, haddii xilka uu raadinayay loo doorto.

    “Sannadkii 10-aad, waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka waxaan uga jirnaa lambarka 176, waddanka ugu horreeya na waa Denmark, maxaa marka noo diiday inaan Denmark la tartanno”, ayuu yiri Farmaajo.

    Hadda oo uu Soomaaliya 2 sano madaxweyne ka yahay, war bixintii ugu dambeysay ee ay hay’adda Transparent internatuional soo saartay waxay ku sheegtay in sannadkii 2018-ka ay Soomaaliya lambarka ugu hooseeya ka gashay waddamada uu musuqmaasuqa hareeyay.

    4- Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

    Tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa hakad galay wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somnaliland, kuwaasi oo soo socday tan iyo dowladii Shariif Sheekh Axmed.

    Inakstoo aysan jirin sabab rasmi ah oo ku aaddan arrintaasi ayaa haddana Somaliland waxay sheegtay in wadahadal iska daaye ay dowladda Farmaajo ku eedeeyeen inay “cunaqabateesay” Somaliland.

    5- Safarrada badan ee dibadda

    Markii uu musharraxa ahaa Farmaajo wuxuu khudbaddiisii baarlamaanka ku sheegay in haddii la doorto uu yareyn doono safarrada dibadda, taas baddalkeedana wixii safar dibad ah ay ku shaqo lahaan doonto wasaaradda arrimaha dibadda oo kaliya.

    Dowladdii ka horreysay ayuu ku dhaliilay iney safarradeeda ka baxsan wasaaradda arrimaha dibadda aad u badnaayeen, laakiin muddo laba sano ah wuxuu 10 safar dheeraaday madaxweynihii ka horeeyay.

    * Febraayo balanqaadkii Farmaajo Farmajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSomalia’s Police Strengthened With Support From UN, International Community
    Next Article C/qaadir Dhaqane: “Madaxweyne Farmaajo waa lumiyey taageeradii shacabka, wuxuuna noqday.. “

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo