Wasaaradad Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa maalinta Shaqaalaha Adduunka darteed fasaxday Dhamaan Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shaaciyay fasaxa Shaqaalaha Soomaaliyeed oo u dabaaldegaya maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed oo ku beegan maalinta barri ah ee 1-da May 2019.
“Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka oo barito ku began,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiirka shaqada xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Warfaa
1-da Bisha May ee sanad kasta ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaqaalaha, iyadoo guud ahaan caalamka ay shaqaalaha u dabaaldegaan xuska maalintooda.