Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee maanta ayaa looga dooday sharciyo la horgeynayo baarlamaanka iyo xaaladda ammaanka.
Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa looga dooday laba ka mida Hindise sharciyeedyo horyaallay Golaha Wasiirada iyadoo lagu ansixiyay laba Hindise sharciyeed.
Golaha waxay shirkoodii maanta ku ansixiyeen labo Hindise sharciyeed oo kala ah:
1 – Hindise sharciyeedka la-dagaalanka Musuqmaasuqa
2 – iyo Sharciga Isgaarsiinta.
Sharciga hore ayaa ah mid cusub oo loogu baahan yahay ololaha dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku dooneyso inay kula dagaalanto musuqmaasuq oo aan fari ka qoddneyn.
Sharciga labaad ayaa ah kan Isgaarsiinta oo ku dhowaad muddo 10 sano ah aan lagu guuleysan in Baarlamaanka la horgeeyo, taasoo ay ugu wacan tahay shirkaddaha isgaarsiinta ee waaweyn oo hortaagnaa.
Xukuumadda Kheyre ayaa diyaarineysa hindisyo sharciyeedyo fara badan oo baarlamaanka loo diyaarinayo marka uu fasaxa kasoo laabto.
Waxaa kaloo shirka looga dooday xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay qaraxyo waaweyn ka dhacayeen, waxaana shir degdeg ah la isugu yeeray guddiga amniga.
Wadani