Waxaa dhowaan Magaalada Jabuuti kulan xasaasi ah ku yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Faroole.
Labada siyaasi oo aan siyaasadda isaga harin, haddana ah musharixiin u taagan jagada madaxweynaha Soomaaliya ee 2016 ayaa kulankooda dad ku dhow waxay sheegeen inay uga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo doorashadda 2016-ka sidii ay isaga kaashan lahaayeen.
Xogta ayaa sheegeysa in C/raxmaan Faroole soo bandhigay qorshe isbaheysi siyaasadeed ku yeelan karaan isaga iyo Sheekh Shariif oo mid waliba taageero kan kale xilliga doorashada, si ay uga hortagaan inuu dib u soo laabto Xasan Sheekh Maxamuud, arrintaas oo Sheekh Shariif soo dhoweeyay, laakiin la sheegay inuu dalbaday kulamo dheeraad ah maadaama aanu weli musharaxnimadiisa ku dhawaaqin.
Labada madaxweyne ayaa door ku lahaa siddii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xilligii KMG ahayd waxaa kaloo kaalin ku la haayeen oo waxayna ka mid ahaayeen saxiixayaashii Tubtii Roud-Map-ka ee looga gudbay KMG.
Wadani.com