Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa furay madaxtooyada cusub ee maamulkaasi ka dhistay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shariif Xasan ayaa duulimaad dhinaca hawada ah lagu geeyay Baraawe, isagoo qaatay diyaarad Helikobtar ah si uu u gaaro magaalada caasimada looga dhigay maamulkiisa.
Arrintan ayaa muujineysa xaaladda ammaanka ee ku wareegsan magaalada Baraawe iyadoo Alshabaab dhowr jiho ka jirana, isla markaana aanay suuragal ahayn in lagu shaqeeyo magaalada aan dhinaca dhulka lagu gaari karin.
SAWIRRO
i
Wadani.com