Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya xukuumadda maamulkiisa.
Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ee toddobaadkan ayaa oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa lagu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ee Koonfur Galbeed.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa loo magacaabay Maxamed-Nuur Madoobe Nuunow, iyadoo uu buuxiyay booskii uu ka geeriyooday wasiirkii hore Madoobe Nuunow oo lagu dilay Weerarkii Hotel Naasab-hablood ee Muqdisho28-kii bishii October 2017.
Dhinaca akle ayuu Shariif Xasan magacaabay Wasiiru Dowle cusub oo ah Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo loo magacaabay Maxamed Cumar Zeytuun.