Rajada Sheekh Aadan Madoobe ee Kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa mugdi gelinaya isagoo aan taageero ka heysan…
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Adan Madoobe) oo ka mid ah musharixiina u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa shaaciyay inuu ka baxay, iskana casilay xilkii Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Himilo Qaran.
Xisbiga Himilo waxaa hoggaamiya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isn ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Sheekh Aadam madoobe ayaa sheegay in sida uu qabo sharcigu qof kasta oo u tartamaya xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ay tahay inuu iska casilo xilka uu ka hayo xisbiga uu ka tirsan yahay.
Sheekh Aadan Madoobe oo horey u soo hoggaamiyay Baarlamaanka Soomaaliya dowladii KMG ahayd ayaa ka mida mushariiinta isu sharxay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad, inkastoo ay tartan adag kula jiraan musharixiin kale.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee maanta qaata shahaadda Musharaxnimo ee xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, isagoo ka mid ahaa xildhibaanno diiday inay u hoggaansamaan amarkii Madaxweynaha K/Galbeed.
Rajada Aadan Madoobe ee uu mar kale noqdo guddoomiye Baarlamaan ayaa waxaa mugdi weyn gelinaya inuusan tageero ka heysan xildhibaannada kasoo jeeda maamulka K/Galbeed.

