Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa War uu soo saaray ku sheegay in siyaasiga C/raxmaan C/shakuur laga aqbali karo cudurdaarkii uu bixiyey labadii muuqaal uu ugu danbeeyay ee uu soo duubay, balsw wuxuu caddeeyay inaan khalad laga famhin ee uu isagu duray xadiiska Rasuulka NNHK.
“Haddii aad soo duubtay muuqaal aad leedahay Khalad baa dhacay anigu intaad ku hadashay iyo cudurdaarkaaga ku saabsan wixii aad ku hadashay ka sheekh Bashiir ahaan waan dhageystay, wuxuu ila yahay mid la aqbali karo, waan ku faraxsanahay inuu qofku khaladkiisa garto waana soo dhaweynayaa” ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Sheekh Bashiir ayaa intaas ku daray markii ay mowduucaan ka hadleen aysan ujeedkoodu ahayn argudasho , marar badan oo horeba uu C/raxmaan C/shakuur u geystay aflagaado fara badan, isla markaana aysan ka hadlin; balse markii uu Diinta ku xadgudbo ay u taagan yihiin difaaca diinta”
HOOS KA DAAWO