Sheekh Maxamed Idiris oo ka mida culimada ugu caansan Soomaalida ayaa farriin degdeg u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo u sheegay inay umadda ka sugeysay wax ka weyn tacsi.
“Madaxweynaha Jamhuuriyaddeenna Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ilaahay Tawfiiqda iyo Talada Toosan ha waafajiyo, mar walba waa ugu ducayneynaa, Qarixii shalay wuu tacsiyeeyey, waana ku mahadsanyahay!!. Mudane Madaxweyne, Tacsi wax ka weyn ayaa ummadda Soomaaliyeed kaa sugeysaa, horayna kaaga rajayneysey markii aad xilka qabatay!! Saddex sano ka dib, weli ma qiyaasi karo, rajadaas weyn iney ku qaldanaayeen iyo in kale!..” ayuu farriintiisa ku yiri Sheekha oo ka mida culimada sida weyn u taageertay madaxweyne Farmaajo.
Sheekh Maxamed Idiris ayaa farriintiisa kusoo gabgabeeyay: “Oohinta iyo asaayda annaga shacabka ah ayaa iska leh, adiga iyo xukuumaddaada, ama xukuumad kasta, shaqa taa ka duwan ayaa laga sugayaa!! Tawfiiqda Allaha ku waafajiyo!..”.
Waxaa sii kordhaya dareenka ay qeybaha bulshada ka muujiyeen qaraxyada Alshabaab ee dadka badan ku dhinteen oo uu ugu danbeeyay Qaraxii Ex. Kontrol Afgooye, iyadoo ay hoos u dhacday taageerada madaxweyne Farmaajo oo dhammaan balanqaadyadii uu doorashada ku galay ku fashilmay inuu fuliyo.