Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Chaakir Cali Xasan ayaa in Ahlu suna aysan dagaal diyaar u ahayn, isla markaana xaaladda magaalada Dhuusamareeb ay degan tahay, ayna amniga sugayaan ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ee la isku dhafay.
Madaxda Xukuumadda Galmudug ayaa caddeeyay in qalalaasaha ka dhacay degaanada Galmudug ay yihiin wax cusub oo aysan ka maleysaneynin inay dowladda Federaalka ku dhaqaaqdo, wuxuuna ku adkeystay inaysan diyaar u ahayn dagaal ay la galaan ciidamada dowladda iyo inuu hal qof uga dhinto ama uga dhaawacmo.
“Qalalaashaa dhacay waa wax cusub oo aanan ka maleysaneynin xagga dowladda, hadii aan nahay Ahlu suna anagu ma rabno in hal qof naga dhinto ama mooga dhawacmo dagaal dhexdeeda ah..” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir oo wareysi siiyey VOA-da, wuxuuna intaas ku daray inay ku dadaalayaan nabadda iyo in wanaag wax waliba lagu dhammeeyo.
Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mida madaxda Ahlu suna ayaa meesha ka saaray dagaal ay la galaan ciidamada dowlada Federaalka, wuxuuna xusay inuu xiriir la leeyahay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan degaanada Galmudug.