Sheekh Muhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubaland.
Sheekh Roobow oo ilaa iminka aanay kala caddeyn xilka uu hayo iyo qaabka ay dowlada Federaalka ula heshiisay ayaa ujeedka socdaalkiisa lagu sheegay inuu kulamo wadatashi ah la yeesho madaxweynaha Maamulka Jubbalanad Axmed Madoobe oo ay mar ka wada tirsanayeen kooxda Alshabaab iyo Raaskaambooni.
Waxaa Garoonka Kismaayo ku soo dhoweeyay wasiiro ka tirsan maamulka Jubba, iyadoo uu la socdo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed oo hadda ah gacanyaraha Sheekha