Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay amaan iyo bogaadin u jeediyey ciidamadii mucaaradka ee badbaado qaran.
Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyey xaflad lagu sagootiyey madaxweynayaasha maamul Goboleedyada oo xalay ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay inaan dalka laga badbaadiyey dagaalo sokeeye iyo inuu ka leexdo jidkii dimoqraadiyada, taasina ay amaanteeda leeyihiin ciidamadii muujiyey mas’uuliyadda.
“Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye iyo hab aan waafaqsaneyn nidaamka loo yaalla ee dimoqraadiga, sida Ciidamada Qalabka sida oo lahaa qeybtii ugu danbeysay ee ugu weynaa lahayd, muujiyeyna mas’uuliyad aad u weyn..” ayuu yiri” Sheekh Shariif.
Wuxuu mahadcelin weyn u jeediyey Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, isagoo RW Rooble ugu baaqay inuu hore u socdo, kana dhabbeeyo hirgelinta Doorashada, ayna garab taagan yihiin Midowga Musharixiinta.
Sheekh Shariif ayaa hore uga gaabsaday abaabulkii ciidamada ee ka hortegay muddo kororsigii Maxamed Farmaajo, wuxuuna si gaara isaga fogeynayay inuu ka qeyb qaato, laakiin wuxuu si weyn u taageeray guushii ay keeneen.
HOOS KA DAAWO