Madasha Xisbiyada Qaranka, iyo Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaran inuu is casilo, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu dhinac la saftay, kuna fashilmay howshii loo dhisay.
War-saxaafadeedyo ay si kala gaara u soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa lagu sheegay in Guddiga Doorashooyinka ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey uu ka baxay waajibaadkii loo xil saaray, haddana ka shaqeynayo muddo kororsi loo sameeyo hoggaanka Dowladda hadda jirta, taasoo aan la aqbali karin.
Waxaaa hore shaki looga muujiyey in Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ay madaxweyne Farmaajo kala shaqeyneyso qorshe muddo kororsi ah oo uu doonayo in 2 sano oo hor kursiga kusii joogo, iyagoo qeyb ka noqday mashruuca Madaxtooyada.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDYADA



