Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mida culimada Soomaalida. basle xabsi Guri ugu jira dowladda Federaalka ayaa kasoo hadlay kiiska muranka badan dhaliyay ee dilkii Axmed Mukhtaar Salaad (Axmed Dowlo) oo arrimo heybsooc Guur loo dilay looguna gubay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, Muqdisho.
Sheekh Xasan Daahir oo muuqaal uu soo duubay baraha bulshada la soo dhigay ayaa sheegay in dilka Axmed Dowlo uu ahaa mid laga naxo oo diinta islaamka iyo dadnimada aan ku bannaaneyn, isla markaana ay kasii xun tahay sida loo maamulay, isagoo cambaareeyay qaabka arrinta u gashay dowladda Federaalka.
Sheekh Xasan Daahir ayaa yiri “Kiiska yaan la marin Habaabin, waxay ahayd in dilka dhacay sharciga la waafajiyo.. Waxaan leeyahay .. Gabadha Wiilka Ma dhaqmi karaan ilaa la helo laba arrimood: qeyb waa in islaax lagu dayo, qeybna dadka Xaqa qaba in laga Gooyaa”.
Sheekha Xasan Daahir ayaa cambaareeyay sida ay arrinta uga hadleen Xildhibaan iyo siyaasiyiin sheegay in ay aroos qaran u dhigayaan lammaanaha sababay geerida dhacday iyadoo ay dhibaato kala dhex taallo labada Qoys ee Gabadha iyo Wiilka.
Sheikha ayaa bulshada ugu baaqay in loo gurmado caruurtii uu ka tagay Marxuumka halkii aroos lagu dul sameyn lahaa.